Maxaad ka Taqaanaa Magaalda Isiolo oo ah Magaalo Qadiimi ah.

 

 

 

Waxaan dhawaan Socdaal Labo maalmood Qaatay aan ku Tegay Magaalada Isiolo eek u Taala Barriga Dalkan Kenya.

Magaaladan oo ah Degmo Qadiimi ah kana Tirsan Gobolka Easten Province  ayaa waxaa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu Qadiimisan Dalkan Kenya Magaaladan oo dhisantay Ka Hor Dagaalkii Labaad ee Aduunka aya waxa  Asal ahaan iska Lahaa Soomaali Waxaana Aad ku arkaysa Maglaadan Guryo Sida Looxaanta oo kale loo Dhisay oo Dadku Ay Degan Yihiin. Ayeyo Qaali Jaamaca Qaroof oio aan kula Kulmay Isla Magaalada Dhexdeeda ayaa waxaa ay ii sheegtay in ay Degeynayd Halkaas Muddo ku Dhaw 50 Sano. Waxay ii sheegtay Mamo Qaali in magaaladan  dhusmayaasha ka Muuqda ee Qadiimiga ah ay dhisteen Dadkii Soomaalida ahaa Gar ahaan Kuwii ka Soo Noqday Dagaalkii Aduunka EE Dhamaatay 1945kii.

 

Waxii markaa ka danbeeyey magaalada aya waxay ay Noqotay Magaalo Soomaaliyeed waxaana ay Dadkii Bilaabeen in ay dhaqdaan Xoolo sida Geella Lo’da iyo Arigaba. Waxii Markaas ka danbeeyey waxaa ka dhacay Magaalada Dagaal Kaas oo u Dhexeeyey Soomaalida iyo Dadkii kale ee Gobolka Deganaa kuwaas oo u Dulqaadan waayey Ganacasiga iyo Xoolo Dhaqasha De Dega ah ee Soomaalidu ku Talaabsatay.

 

Waxaana Dadyawgii iyo Dawladda Kenya oo is Bahaysanaya ay Weerareen Dadkii Soomaalida ahaa waxaana la dhacay inta Badan Xoolihii ay Lahaayeen Dadkaasi Soomaalida ahi. Intaas ka dib Dadki Soomaalida ahaa ayaa waxay Dacwad ka dhan ah Dawladda Kenya u Gudbiyeen Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ayagoo Cadaynaya in meesha ay Dejisay Dawladda Ingiriisku isla Markaana ay Yihiin Ciidamo ka Tirsanaa Kuwii Boqortooyada Britain.

 

Dacwadaasi Waxay keentay in Arinka ay Soo Dhexgasho Dawladda Ingiriisku Taasoo Kalabadh Xoolihii la Dhacay u soo Celisey Soomaalida Waxayna Dawladda Ingiriisku ku Amartay Ta Kenya in Dadkaa  Loo Ogolaado in ay ku noolaadaan halkaas isla Markaana la Siiyo Aqoonsiga Laga Isticmaal dalkan ee loo Yaqaano Kitamboluushaha.ama Kibandhaha.

 

Intaas waxii ka danbeeyey Soomalidii waxay Xoog Saareen inb ay dhaqdaan Xoolaha Xaga ay Yareeyeen Ganacsigii Faraha Badnaa taas waxaa sababtay ayey ii sheegeen dadkii aan kula Kulmay Isiolo ayadaoo Dawladda Kenya ay Si Caqliyeyesan ay Dibudejin ugu soo samaysay Deegaanka Isiolo Dadyaw kale oo reer Kenya ah Sida Booran.Meru.Mukamba.iyo Giji. Taas ayaa waxay dhalisay in Soomaalidii ay Mar Kale la Kulmaan Cadaadis Siyaasadaysan oo ka imanaya Xaga Dawladda.

Waxayna Bilaabeen Dadyawgii la dejiyey Magaalada iyo Muyigaba in ay Cadaadiyaan Dadkii Soomaalida ahaa ee Dhulka Deegaameyey isla Markaana Dhisay waxayna Bilaabeen Mar kale Barakicin iyo Boob. Taasina waxay ka Xanaajisay Soomaalidii oo ayaguna Sameeyey Iska Caabin Xoogan,

 

Ka Dibna Markii Dawladdu Aragtay in Soomalidu ay wax iska Celin Karto ayeey waxay ugu Yeedhay Dadkii iska Caabinta Wedey in ay Yihiin Shufti. Waxaana ay Keentay Ciidama dheeraad ah Hase yeeshee Taasi way Joojin Wadey Iska Caabintii ay wadeen Soomaalidu.Markaa waxii ka danbeeyey Waxaa ay Arintii isugu soo Ururtay Waan waan iyo wada Hadal waxaana taasi ugu danbeyntii ay Keentay in Hub ka dhigis lagu sameeyo Soomaalida looguna Badelo in ay Amaan loo siin doono maalkooda iyo Naftooda.

 

Hase yeeshee Dawladdii uu Madaxda ka aha Danel Arap Moi oo ahayd mid Soomaalida aad u Dhibta waxay hadana keentay Higirdaamooyin Hor leh oo Casriyeysan wxaayna ka soo Bilowday ayagoo Maamulkii Gobolka ku Wareejiyey Qaa’iladii ay iska soo Horjeedeen Soomaalida, taasina waxay Dhib kale ku keentay Soomaalidii. Wax Marka aka Danbeeyey Soomalidii waxay Go’aansadeen in aysan Ganacsi Danbe ka Sameyn Magalada Qadiimiga ah ee Isiolo. Magaalada oo ah Runtii Magaalo istaraaji ah Madaaba ay Xuduud Xaga Barrioga ah kala Leedahay Magaalada Moyale oo ayadu ah Ethiopia xaga ay dhan kalena Xuduud kala wadaagto Gobolka Waqooyi Barrie e Soomaalidu Deg Isla markaana Xuduud la sii leh Soomaaliya ayaan hadana aysan Lahayn wax Ganacsi ah oo la Tilmaami karo maadaba Dadyawgan meesha lagu beeray aysan lahayn Xirfado xaga Ganacsiga ah. Taasina waxay Sababtay in maagaalada oo ah Magaalo ku Fiican Ganacsiga Beeraha iyo Xoolaha Noolba aysan Hada Lahayn wax Shantaraal ah oo Ganacasi ah ama wax dhaq dhaqaaq ah.

 

Magaalada oo aan ku Dhex Lugeeyey Mudo ku dhaw Hal Saac ayaa waxaad ka Fahmaysaa Miskaxdaada in ay ahaan jirtey meel Soomaali Lahayd Waayo Waxaa Ishadu Qabanaysa Aqal Soomaaliyo ay Degan Yihiin Dad Da’ah oo Soomaali ah.

 

Kuwaas oo marka Aad Waraysato kuu sheegaya in ay Meeshan ku Noolaayeen ku Dhawaad Lixdan Sano. Si kastaba aahaate Magaaldan ayaa Hada waxaad Kuu Muuqanaysa in ay Jirto Rajop yar oo dhahaysa Soomaalidii Gacanteedii ayeye ku soo Noqonaysaa kuwaas oo ay ku Macneeyeen dadka Degan Madaxweynaha hada Tala Haya oo ah NinDhex dhexaad ah isla Markaana soo Dhaweeya Dadka Asal ahaantoodu Soomaalida tahay. Waxaana Xusid Mudan in Hada Ninka Chief-ka ah Magaaladu uu yahay nin Soomaali ah Weliba Abihii ahaa Askari Ingiriis ah Asal ahaana  ka    Soo Jeeda Gobolka Sool. Waxaana ay Dadku Hada aad Moodaa in ay ugu Farax Sanyihiin ka Bixitaanka uu meesha ka baxay Xisbigii mudada Dheer Soo Xukumayey Dalka ee Kanu kaas oo ku Caan Baxay Cusurinimo.

 

 

Suleiman Maxamuud xaashi Dheere

Editer of Horufadhi.com

Xaashi2008@Gmail.com

 

Nairobi Kenya