|
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa
sheegaya in Mooshin ka dhan ah Xukuumada Nuur Cadde loo gacan geliyay
Gudoonka Baarlamaanka, kadib kulan Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ku
yeesheen Hoolka shirarka ee ADC.
Kulanka maanta oo uu shir gudoominayay Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa la
sheegay in 31 Mudane ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah jiritaanka Xukuumada
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha ka soo shaqeeyay Mooshinkan ayaa ku eedeeyay
Xukuumada inay ku tumatay awoodii dalka iyo dhaqaalihii dalka laheyd, iyagoo
ku baaqay in Xukuumada is casisho sida hadalka u dhigeen.
Mid ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay oo lagu magacaabo
Xildhibaanad Nasro Cabdisalaan ayaa sheegtay in Xukuumada si bareer ah u
baabi’isay una karaamo tirtay Bankigii Dhexe ee Soomaaliya, waxayna
Xukuumada ku tilmaantay inaan lagu kalsoonaan karin , iyadoo dhaqaalihii
Dowladda ay noqotay mid sanaadiiq aaney cidina ogeyn waxa soo galaya iyo
waxa ka baxaya ay ku shubtaan, waxayna xustay in xukumada noocaas ah aaney u
qalmin in ay sii shaqeyso xiligan adag ee dalku marayo loona baahan yahay in
xilka laga qaado.
Qorshaha Xildhibaanadu soo diyaariyeen ee ah Mooshinka ka dhanka ah
Xukuumada Nuur Cadde ayaa ku soo beegmaya xilli uu taagan yahay is mari waa
ku aadan xil ka qaadista Maxamed Dheere Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,
iyadoona Madaxda Dowladda ay taas ku kala qeybsan yihiin
Wixii warar ee ka soo baxaya arrimahan kala soco wararkeena dambe
Horufadhi.com |