Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa maantaa kulan la qaadanaya saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan buurta Jante Kundishe ee duleedka magaalada Baledweyne.

Sida lagu helayo wararka Odayaasha ayaa saraakiisha ciidanka Itoobiya kala hadlaya arrimaha amaanka iyo sidii ay ciidamadaas u joojin lahaayeen dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka gaar ahaan Jante Kundishe.

Wararka ayaa intaas raacinaya in Odayaasha gobolka Hiiran ay saraakiisha ciidanka Itoobiya kala hadli doonaan falal ay ciidamadaas dhawaan ku rasaaseeyey gawaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo marayey waddo hoose oo ku dhow buurta Jante Kundishe.

Si cad looma oga waxyaabaha ka soo bixi doona kulanka labada dhinac, hase ahaatee saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa horey Odayaasha gobolka ugu sheegay in amar iyaga ka sareeya ay ku joogaan Jante Kundishe haddii la amro inay gudaha u galaan magaaladana ay u gali doonaan.

Si kastaba ha ahaatee Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo ay labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeyo kaga dhaadhicinayaan inaaney gudaha u soo galin magaalada Baledweyne si dirirta u dhexeysa aaney dadka shacabka ah dhibato uga soo gaarin.

Hamse M, Abdi

Wya2007@hotmail.com

Madaxa Wararka Soomaaliya ee Horufadhi.com