Dhacdadan waxay ahayd mid ka mid ah xanuunadii ugu darnaa ee soo wajahay Shacabka Soomaaliyed,sidaas darted lagamana yaabo in la ilaabo waayo waxaa la laayay waxay ahaayeen Dumar Nolol Maalmeed ka raadin jiray NGO-yada gudaha Caasimadda Muqdisho si ay u nadiifiyaan waddooyinka Magaalada.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmad Walada Cabdala ayaa waxaa uu tilmaamay in uu aad ugu xun yahay dhibaatadii gaartay maalintii Axada ahayad haweenka Soomaaliyeed ee gaarayay 20 oo lagu dilay Qarax Miino oo lagu aasay wadad Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

“Haweenkani waxa ay isku dayayeen in ay hormariyaan nadafada jidadka magaalada Muqdisho marka uu qarax haleelay taasina waa mid aan loo baannayn in haween qarax lal eegto”ayuu yiri Axmed Walad Cabdala.

“Sanado ka dib qalaalasaha ka taagan Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay dib u hesho sumcadeedii,sharafteedii iyo nabad waarta”ayuu Axmed Walada Cabdala war martiyeedkiisa ku yiri,waxana uu dhamaan dhinacyada Soomaaliya ugu baaqay in ay wada shaqeeyaan islamarkaana ay xaliyaan dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya.
 

 

Horufadhi.com