|
Ciidamadii Dowladda Federaalka ee dhowaan lagu soo tababaray Dalka
Ethiopia, isla markaana galay dagaalada ayaa la soo sheegayaa in ay labo
jiho ugu soo kala ambabaxeen Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo u muuqaal ek sida Ciidamada Ethiopianka ayaa ku labisan
dareyska Ciidamada Ethiopianka iyo qoryaha fud fudud, ayaa dhaq dhaqaaqyo
xoogan ka bilaabay Tuulooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo la
sheegay in ay lug ku marayaan, kadib markii ay soo foodsaartay cabsi ah in
hadii ay gaadiidka raacaan weeraro lagu qaaday.
Wararka laga helayo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa
sheegaya in Ciidamada ay soo gaareen meel 4km u jirta Degmadas, halka qeyb
kale oo Ciidamadaas ka tirsan ay mareen dhinaca wado ka baxda Ballidoogle oo
sii tagta Degmada Afgooye.
Dadka ku dhaqan Tuuloyinkaas ayaa cabsi aad u weyn ka muujiyay dhaq
dhaqaaqyada Ciidamadaan, iyadoo saacad kasta laga cabsi qabo in Ciidamada
wadada lagu galo inta ay ku soo jeedaan Muqdisho.
Labadii Cisho ee la soo dhaafay ayay Ciidamadaas waxay ku sugnaayeen
Deegaanka u dhow Yaaq Bari weyne iyo meel kale oo iyana u dhoweyd Leego,
halkaasoo aheyd halkii uu dagaalka ku qabsaday.
Gaadiidka Ciidamada ayaa wuxuu yahay mid masaafo fog isku jira, waxaana
gaadiidka kor ka saaran tiro ciidan, oo ay geesaha ka socdaan Ciidamo
lugeynaya oo ka feejigan weeraro ay ku soo qaadaan Kooxaha Kacdoonka.
Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay Ciidamadan u socdaan
dhac ay u geysan rabaan Suuqa Bakaaraha, hase ahaatee wuxuu cadeeyay in inta
aysan gaarin Muqdisho ay ku leyn doonaan wadada.Hase yeeshee Foojignaanta ka
muuqata iyo Tababar ka ay qabaan Ciidankani maaha mid la Sahashan karo.
ayadoo sidoo kalena ay Raxan raxan ta ay u socdaan hada marka qolo
daashaba waxa bedelya kuwa kale ee Gaawaadhida saaran. waxaantaas dheer
ayagoo wata qalabka Miinooyinka lagu baadho iyo Tahiilaad kaleto,
Hamse M, Abdi
Warfidiyeenka Sanadka
Somalia.
Horufadhi.com |