Qaar ka mid ah Saraakiishii Ciidamada ee xilalkooda looga xayuubiyay Digreeto Madaxweyne ayaa ku gacan seyray xil ka qaadistooda, iyagoo sheegay in xil ka qaadistaad aysan dheg jalaq usiin doonin sida ay yiraahdeen.

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay aad uga soo horjeedan xil ka qaadistaas, waxayna ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Shabellaha Hoose Cali Aadan (Cali Ganey) ayaa sheegay in arrintaas ay tahay mid aan sharci aheyn, isagoo tilmaamay in waraaqadahaasi ay tahay mid la soo been Abuuray sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliye Kuxigeenka Gobolkaas Nuuriye Cali Faarax ayaa isna carabka ku dhiftay in aysan jirin wax xil ah oo saraakiisha Ciidamada Booliska uu haayo aanu jirin, wuxuuna adkeeyay in xilka uu haayo uu yahay xil goboleed.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay u muuqanayaan kuwo ku loolamaya awooda dalka, iyadoo tallaabooyinkan xilka qaadista ee labada mas'uul ay wadaan ay tahay Midi Midi ku taag ah

Hamse, M Abdi

SOmalia

Wya2007@hotmail.com