Congresska dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu isu diyaarinayo sidii uu u ansixin lahaa malaayiin dollar oo Maraykanku uu ku taakuleeyo hawgalka nabad ilaalinta ee la filayo in Qaramada Midoobay ay ka fuliso dalka Soomaaliya.

Wargeyska Sudan Tribune oo soo xigtay ilo ku dhow dhow maamulka Bush ayaa sheegaya in Congress-ka loo gudbiyay qoraal ku saabsan lacagtaasi oo gaareysa $11.6 milyan oo dollar.

Dowladda Maraykanka ayaa marar badan waxaa lagu dhaliilay siyaasadeeda guul darreysatay ee dalka Soomaaliya.

Waxaana isa soo tarayay baaqyo badan oo loo jeedinayo inay wax ka bedesho siyaasadda ay kula dhaqmeysay dalka Soomaaliya 15-kii sano ee ugu dambeeyay oo lagu tilmaamay siyaasad mas’uuliyad darri ah.

Tan iyo markii uu guul darreystay hawlgalkii nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee horraantii sagaashamaadkii Markaasoo Maraykanka ciidamo badan lagaga dilay hawlgalkaasi diyaaradona lagaga soo riday ayuu Maraykanku ka gaabsaday inuu inbadan ka hadlo xaaladaha dalka Soomaaliya.

Balse maraykanka ayaa dib u bilaabay inuu soo farageliyo xaalada dalka Soomaaliya ka dib markii magaalada Muqdisho ay ku soo xoogeysteen xoogaggii maxkamadaha Islaamiga.

Maraykanka waxaa la sheegay inuu lacago ku bixiyay Isbahaysi ay ku midoobeen hogaamiye kooxeedyadii sanooyin badan u kala qeybsanayd magaalada Muqdisho isagoo dano gaar ah ka lahaa.

Isbahaysigaasoo loogu magacdaray Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, kaasoo markii dambe ay burburiyeen maxkamadihii Islaamiga ka dib markii dagaalo kharaar ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Xiriirka Maraykanka uu la sameeyay qabqablayaasha dagaalka wuxuu ku dhinac maray dowladda kmg ah oo uusan tixgelin siinin xiligaasi. Hase yeeshee wuxuu Maraykanku u soo weecday inuu xiriir la sameeo dowladda kmg ah ka dib markii ay fashilantay awoodii qabqablayaashii dagaalka.

Maraykanka ayaa waxaa uu iminkana u muuqdaa inuu taageerayo in la sameeyo dadaal dib u heshiisiin ah oo dhexmara Soomaalida dhexdeeda.

 

Horufadhi News Update

Horufadhi.com