Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Ahmed Walad Cabdala ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Gudoomiyenimada Sheekh Xasan Dahir Aweys, taasoo uu ku tilmaamay mid sheegasho ah.

Isagoo kula hadlayay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka Koox wariyeyaal ah ayuu sheegay in ay aqoonsan yihiin Sheekh Shariif oo uu ku tilmaamay inuu yahay Gudoomiyaha sharciga ah.

"anagu marna ma aqoonsani Gudoomiyenimada sheegashada ah ee Sheekh Xasan Dahir, waxyanu aqoonsanahay Sheekh Shariif oo ah Gudoomiyaha saxda ah, taasna cid kasta waa ogtahay"ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliy

Wuxuu sheegay in Sheekh Shariif ay dadka ku yaqaan sidii uu Nabada uga soo shaqeeyay, wuxuuna tibaaxay in Dadka soomaaliyed looga baahan yahay in ay gartaan wax kasta oo wanaag ku jira sida uu yiri.

Hadalka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ku soo beegmaya, xilli Dowladda Mareykanka ay iyadana sheegtay in aanay aqoonsaneyn Magacaabista Sheekh Xasan Dahir, kadib markii Koox ku sugan Asmara ay sheegeen in ay xilalkii ka qaaday Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo ahaa labadii Mas'uul ee heshiiska Jabuuti ka qeyb galay, kaasoo ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobey.

 

Horufadhi News Update

Webmaster@horufadhi.com