Dawladda
Maraykanka aya siyaabo kala duwan oga hadashay qaabka ay ola macaamilayso
dalka Iiran oo Awoodiisa laga Qaliyey ka dib Tijaabadii Gantaalaha Shahaab3.
wasiirka arimaha Debeda ee Maraykanka Haweyneyda la Yiraahdo Condoleeza Rice
ayaa sheegtay in Americaanku ay is difaaci doonaan. Isla markaana ay Difaaci
doonaan beey tiri Saaxibadoo Gobolka Barriga dhexe oo ay Ola jeedo Yahuuda
xooga ku haysata dhulka Barakaysan ee Falastiin. Gantaalaha ay hawada Sare u
Gantay Iiraan waxaa lagu tijaabiyey meel saxaro ah waxaana ay gaadhi karaan
in ka badan 2,000 oo KM,una dhiganta 1.240 Maylis

Waxay sheegtay
in Maraykanku ay Gantaalaha Difaaca dhigi doonaan dalalka Czech Republic iyo
Poland si bay tiri looga Hortago Gantaalaha Ridada dheer ee Iiraan.
Wasiiraha arimaha Debedda ee dalka Ruushka ninka lagu magacaabo
Sergei Lavrov
ayaa sheegay in arinta Gantaalaha ee Iiran ay Cadeynayso in ay ka
walaacsan tahay Waa xukuumada Tehraane Gantaalaha aan Muhiimada ku fadhiyin
ee Maraykanku dhigayo qaybo ka mid ah Barriga Yurub. Dhanka kalena Wasiiraka
Difaaca ee Maamulka Madaxweyne Bush Ninla la dhaho Robert Gates ayaa sheegay
in Maraykanku uusan diyaar hada u ahayn in uu dagaal la galo Milatergya
Iiraan. Wuxuu sheegay in waxa ay hada sameyn karaan uun ay tahay in ay Cuno
qabateeyeen Xukuumada Axmed Nejaadi.
Israa’el oo isku magacawday in ay tahay dalka ugu Quwada Badan Mandiqada
Barriga dhexe.
Xukuumada
uu Hugaamiyo Yahuud Elmorta ayaa sheegatay in ay yihiin dalka ugu Awooda iyo
Milateryga badan Barriga dhexe. Wasiirka difaaca ee yahuuda oo ka hadlayey
Shir ka dhacay magaalada Tela.viv ee xarunta dalkaasi Isra’el aya sheegay in
aysan ka cabsi qabin difaaca dalkooda. Maadaba ay haystaan diyaarado Casri
ah oo wax ka sawiri kara in ka badan 13 kun oo KM. Wuxuu sheegay in
Hanjabaadaha ka Iimaanaya Iiran aysan welwel gelindoonin dalkooda. Wallow la
wada ogsoon yahay waxii israa’iil ka raacay dagaalkii ay la galeen ururka
yare e Xizbullahi kaaso dagaal soconayey in ka badan 32 ay awoodii waayeen
in ay Hal taako ka galaan dhulka Lubnaan.
South
Africa oo dhexdhexaadin ka dhex bilowday dhinacyada Siyaasada ee Zimbabwe
Xukuumadda south
Africa ayaa wada wadahadalo ay isugu
keenayso xisbiga haya talada dalka Zimbabwe iyo mucaaradka uu hogaamiyo
dhaqdhqaaqa isbedel doonka dimoqaraadiga ee uu madaxda u yahay Morgan
Jangaraay
Wadahadaladaan
ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin kuwii ugu horeeyey tan iyo intii lagu
dhawaaqay natiijooyinkii wareegii labaad ee doorashooyinkii muranka
dhaliyey ee kaqabsoomay dalkaas taas oo uu kuguulaystay madaxweyne Robert
Mogambe inkastoo aysan cidana kulatartamin .
Laba afhayeen
oo u kalahadlay xukuumadaha Zimbabwe iyo south Africa ayaa xaqiijiyey in dib
loo ambaqaadi doono wadahadalo ay garwadeen katahay xukuumadda South Africa
la isugu keenayo labada dhinac ee kukala argatida duwan doorashooyinkii ka
qabsoomay dalka Zimbabwe.
Dhinaca kale
madaxa wafdiga mucaaradka dalka Zimbabwe ninka lagu magacaabo
Tendaay Beeti
ayaa kagaabsaday in uu kabixiyo wax warbixin ah wadahadaladaas sida laga soo
xigtay wakaalada wararka ee Associated Press .
Madaxweyne
Thabo Mbeki oo ah dhexdhexaadiyaha dhibaatada dalka Zimbabwe ayaa booqasho
kutagay dalka Zimbabwe shantii bishan isagoo kula kulmay magaalada Harare
dhigiisa dalka zimabbwe Robert Mogambe iyo xubno katirsan mucaaradka dalkaas
.
Mbeki ayaa
lasheegay in uu wado sidii uu ugu qancin lahaa Mogambe in uu soo dhiso
xukuumada loodhanyahay oo qaran .
Tiffatiraaha
Guud ee Warbaahinta Horufadhi News Update
Suleiman Mohamud Hashi Dheere
Nairobi Kenya
Xaashi2008@hotmail.com