|
|
Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ugu tartamaya xilka madaxtinimada dalka
Maraykanka Senator Barack Obama ayaa nidir ku galay inuu soo afjari doono
dagaalka Maraykanku uu kaga jiro dalka Ciraaq. Obama waxa uu sheegay inuu horey uga digay cawaaqibka dagaalka dalka Ciraaq, isagoona sheegay inay jirto horumar la誕an siyaasiyiinta dalka Ciraaq inay hantaan xukunka dalka. Senator Barack Obama ayaa qabtay shir jaraa段d oo uu daaaha kaga rogay siyaasaddiisa dibadda oo uu sheegay inuu sidoo kale duulaan ku qaadi doono shabakadda al-Qaacida iyo xoogagga Taliban ee iyagu fariisimaha ku kala leh Afqaanistaan iyo Pakistan. Senator Obama waxa uu booqasho ku tegi doonaa dalalka Afqaanistaan iyo Ciraaq, balse lama sheegin waqtiga ay dhici doonto booqashadaasi sababo ammaan darteed. Israel iyo Xizbillaahi oo Maxaabiis la kala wareegey,
Dawladda Israa段il iyo dagaal yahamiinta Xisbullah ayaa bilaabay inay isweydaarsadaan maxaabiistii dagaalka ee ay kala qabsadeen dagaalkii labada dhinac dhexmaray sannadkii 2006dii. Maxaabiistaas oo la isku dhaafsaday xuduudka Naqura ayaa maydkii labadii askari ee Israa段iliyiinta ahaa ee ay Xisbullah qabsatay sannadkii 2006dii lagu wareejiyey hay誕dda laanqayrta cas ee caalamiga ah. Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayey in askartaas midkood uu nool yahay balse Television ay Xisbullaah leedahay ayaa xaqiijiyey ugu dambayntii in labadooduba ay geeriyoodeen. Maxaabiista la isku raacay isweydaarsigooda ee ay Israa段il caddaysay inay ku wareejinayso dhinaca Lubnan ayaa waxaa ka mid ah 5 maxbuus oo uu ku jiro Samir Kuntar oo lagu eedeeyey inuu dilal geystey isla markaana muddo dheer ku jirey xabsiyada Isra段il. Boqol iyo sagaashan iyo sagaal isugu jira maydadka dagaalyahamiinta Xisbullah iyo Falastiiniyiinta ayaa sidoo lagu wadaa in la wareejiyo. Horufadhi News Update, |