Safiirka Maraykanka u fadhiya Golaha Ammaanka Zalmay Khaliilzad ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Jabuuti ay ku kala saxiixdeen dowladda kmg ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Mr. Khaliilzad ayaa ku baaqay in loo hogaansamo fulinta heshiiska isla markaana la joojiyo xabada isla markaana ay ciidamada Itoobiyaanka ay Soomaaliya uga baxaan muddo 3 bilood gudohood ah, sida uu qabo heshiiska si ay u bedelaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay waxa uu muujiyay walwalka uu ka qabo xaalada ammaanka ee ka sii dareysa, isagoona tilmaamay in ka bixitaanka ciidamada Itoobyaanka ee Soomaaliya ka hor intaanay ciidamo ajnabi ah imaanin dalka aan la xaqiijin Karin ammaan buuxa, balse wuxuu ka digay inay ka sii darto dhibaatada iyo qulqulaatooyinka hubeysan ee ka jira Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Maraykanku si rasmi ah uga hadlo heshiiskii Jabuuti isla markaana si cad u sheego inuu taageersan yahay in ciidamada Itoobiyaanka laga saaro dalka Soomaaliya mdduo seddex bilood ah sida uu dhigayo heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen dowladda kmg ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Khaliilzad ka jeediyay shirkii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya uu ka yeeshay maalintii arbacada ahayd halkaasoo warbixin looga dhageystay wakiilka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee Soomaaliya Ambasador Axmedu Walad Cabdalla.

Horufadhi.com