Dawladda Russi ayaa sheegtay in ay  miiska u saaran tahay in ay Gataalaaha Nucler-ka u jeediyaan Magaalooyinka Waa weyn eeQaraada Yurub, war sir ah oo si hoose looga helay Ciidanka qlaabka sida ee dalka Ruushaka ayaa tibaaxaya in Ruushku oo doonay in Gantaalihiisan Nuclearka ah uu ku foorariyo Yurubta galbeed. Gantaalaha oo ah kuwa Balasticakada ah waxa la sheegaya in uu dhogayo Ruushku meesha lagu magacaabo Kaliningrad iyo Jamhuuruiyada Bella ruusia, meeshan ayaa ah meel ay Mamnuuc ka tahay Hubka wax Gumaada taasooo ay ku heshiiyeen U,S,A iyo Russia. waxaana hada arinkan ku dhaliyeye baa la leeyahay ka dib markii ay heshiis wada gaadheen dalka Maraykanka iyo Jamhuuriyada Czech Republic.

 

kasoo qeexaya in Maraykanku uu halkaas dhigto Gantaalaha Difaaca, ah ee Qabta Nuclear-ka iyo Gantaalaha kale ee Cruse-ka ah. xiisadan aya ah mid ku Cusub dunida ayadoo Beryahanba uu Ruushku maal gelin iyo dib u habeynba ku sameynayey Ciidankiisa qalabka sida, isla markan aku qarash gareenayey inta badan Faa'idada uu ka helo Gaaska Dabiiciga ah ee dalkiisu Hodanka ku yahay, Horey ayey MOskow u sheegtay in ay xiriir la sameysanayso dalal ay ka mid yihiin Vanisweela,Notrth Kurea iyo Iiran si ay u dhigato Xarumo Gantaalaha laga hago,

Madaxweynah indoonusia oo sheegay in uu ka xun yahay tacadiyadi ka dhacay East Timoro,

Madaxweynaha dalka Indonisa Sucilo Bang Bang Yudhoyono ayaa muujiyay inuu ka xun yahay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo laga geystay dalka East Timor markii ay ay socotay codbixin lagu xaqiijinayay gooni isu taagga dadka Timorka.

Mr. Yudhoyono waxa uu faaladan jeediyay markii loo soo gudbiyay warbixin ay soo gudbiyeen guddi ka koobnaa labada dhinac oo baaritaan ku sameynayay xadgudubyadii ka dhacay gobolkaasi markii ay u codeynayeen gooni isu taaggooda sanadkii 1999-kii.

Warbixinta waxay soo xaqiijisay in ku dhowaad 1,000 qof lagu dilay dalkaasi East Timor.

Waxay kaloo warbixintu xaqiijisay in la geystay jirdil, kufsi iyo barakicin.

Labada dhinac weli ma ay soo bandhigin magacyo rag lala xiriirinayo tacaddiyadaasi la geystay.

 

Iiraan oo Hanjaabd kale jeedisey

Madaxweynaha dalka Iraan Maxamuud Axmed Najad ayaa hanjabaad kulul u diray dalalka cadowga ku ah dalka Iran oo ay ka mid tahay Israa’iil.

Madaxwaynaha dalka iran maxamuud axmede najad ayaa sheegay in ciidanka dalkiisu ay gacmaha ka goyndoonaan kahor intaan cadawgu gacanta keebka saarin.

Madaxwaynaha iran ayaa ku celiyay hadal ay jeediyeen masuuliyiin sar sare iyo saraakiisha ciidanka dalkaasi oo ahaa in iran jawaabta ay ka bixinsayso weerar lagu soo qaado uu noqonayo mid deg deg ah.

Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee iran hadal ay ka soo xigay madaxwaynaha iran mar uu hadal u jeedinayay saxafiyiinta in uu yidhi” ciidamada iran gacanta ayay ka jaraan, kahor intaan cadawgu keebka gacanta saarin”.

Dhinaca kale madaxwaynah iran waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay soo dhawaynayso hadalo kasoo yeedhay dalka maraykanka oo sheegay in washinton ay doonayso in xafiis ay ka furato dahran si  xafiiskaasi uu ula socdo danaha maraykanku ku leeyahay gudaha dalka iran.axmedinejad1

Horay wasaarada arimaha debada maraykana ayaa u sheegtay in ay doonayso xafiis ay ka furato dalka iran taas oo micneheedu yahay in qayb kamida dublumaasiyadii labada dal u dheexay ay soo noqtay, ayadoo labada dal ay isdhaafsanayaan hanjabaadu ku aadan barnaamijka nikliyeerka iran.

Masuuliyiin ka tirsan aqalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka ayaa sheegay inaanay jirin jadwal loo sii diyaariyay xafiiskaas, laakiinse wasiirka arimaha debada ee iran munashahar mutaki ayaa bishan aynu ku jirno ka sheegay xarunta qaramada midoobay ee new York in xafiiskaas laga furayo dahran laga fiirsanayo.

Suleiman Mohamud Hashi Dhere,

Editor Of Horufadhi.com

xaashi2008@hotmail.com

Nairobi Kenya,