|
|
Musharaxa Xisbiga Dibmuqaaradiga ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa la kulmay Ra'iisal wasaraaha Britain Gordon Brown. Obama wuxuu kula kulmay Brown Downing Steert oo ah Xafiiska laga xukumo UK. Wuxuu sheegay asagoo hadlayeey in ay Maraykanka iyo Ingiriiska ay muhiim u tahay in ay iska kaashadaan Xalinta arinka ku saabsan Cimilada Aduunka ee sii kullulaanaysa.wuxuu sheegay in Britain iyo Ameerika ay iskaashigoodu yahay mid Qaan gaadh ah oo soo jireen ah. wuxuu mahad balaadhan ujeediyeye Dadka iyo Dawladda Britishka Caawin iyo Gacantii ay ka Geysteen hawlgaladii dalalka Afghanistaan & Ciraaq, wuxuu yiri "waan ogahay in Ciidanka Biritishku ay qayb ka yihiin Hawlaglka ka soconaya labada dal waa Iraq iyo Afghan'e, ayaa Booqasho Todobaad qaadatay wuxuu ku soo Maray dalalka. Afghanistan, Iraq,France,Germani kuwait iyo kuwo kale oo badan, waxana lugtiisii ugu danbeysey ee uu ku marayeey Yurub ay tahay tan maanta uu ku jooga London,
Suleiman Mohamud Hashi Tiffatiraha Guud ee Horufadhi.News Update.
Horufadhi.com |