|
|
Xeer ilaaliyaha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku
tilmaamay dhamaan tallaabooyinka uu qaaday Ra段isul Wasaaraha Dowladda KMG
ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ah xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo Magacabista xubnaha
cusub ee Golaha Wasiirada. C/llaahi Dahir Barre hadal qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uusan xaq u laheyn Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya inuu wareegto wax ku magacabo iyo inuu xil ka qaado Guddoomiye Gobol, waxaa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Guud in Ra段isul Wasaaraha uu xaq u leeyahay oo kaliya soo jeedin wixii magacabis ahna uu leeyahay Madaxweynaha. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Madaxweynaha ka codsaday inuu soo kala cadeeyo qoraalna ka soo saaro qaabka ay sharciga u waafaqsan yihiin magacaabista iyo xilka qaadida uu ku dhaqaaqay, waxaana uu sheegay in sharci ay waafaqeyso wareegtooyinka Xafiiska Madaxweynaha. 29-kii bishii July ayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa lagu eriyay oo xilkii lagaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere. Laakiin 30-kii Bishaas Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu buriyay tii Ra段isul Wasaaraha soo saaray, waxaana lagu amray wareegtadaas Maxamed Dheere inuu sii wato howshiisa Maamulka Gobolka Banaadir
Hamse.M Abdi. Horufadhi.com |