|
|
Warar horu dhac ah oo ka soo baxaya Kulan shalay ay fariisinka Ciidamada
Ethiopianka ee Duleedka Magaalada B/weyn ku yeesheen Odayaasha dhaqanka
Gobolka Hiiraan iyo saraakiil Ethiopian ayaa looga hadlay arrimaha amaanka
ee Magaalada B/weyn. Odayaasha Dhaqanka oo mudooyinkan isku dayay qaboojinta xiisadaha u dhaxeeya colaadeed ee ka aloosan Gobolka ayaa ugu dambeyn waxay Saraakiisha Ethiopianka ee hormuudka u ah Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Buurta Janta Kundishe kala hadleen in aysan Magaalada gudaha usoo gelin si halkaas aanu dagaal ka dhicin. Odayaasha waxay u sheegeen oo ay ku qanciyeen Ciidamada Ethiopianka in Gudaha Magaalada ka saareen Ciidamadii Maxkamadaha, isla markaana Magaalada haatan ka howl galayaan Ciidamo Madani ah oo ka madax banaan Maxkamadaha sida ay yiraahdeen. Saraakiisha Ethiopianka ayaa u sheegay Odayaasha in Fariisinka Janta Kundishe ay ku joogaan amar, ayna marna ka bixi doonin, waxayna sheegeen in Magaalada ay mar kasta gudaha usoo galayaan, hadii amar lagu siiyo in howl galo ka fuliyaan. Sida uu ii sheegay mid ka mid ah Odayaashii Kulanka ka qeyb gashay waxay saraakiisha Ethiopianka wacad ku mareen in Magaalada B/weyn gudaha usoo geli doonaan, ay xoog uga saari doonaan Ciidamada Maxkamadaha. Natiijo sidaa ah kama soo bixin kulankii shalay ee Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ethiopianka yeesheen, waxaana Odayaasha ahaa kuwo doonaya in Ciidamada Ethiopianka ku qanciyaan in ay ka guuraan Buurta Janta Kundishe, hase ahaatee waa lagu gacan seyray. Dhaq dhaqaaqyada Ciidan ay kala wadaan Maxkamadaha iyo Ethiopianka ayaa ah kuwo cabsi hor leh ku sii abuuraya Dadka deegaanka oo mar hore bilaabay in ay firxadaan, waxaana Xoogaga Maxkamadaha la sheegayaa in ay joogaan hareeraha Magaalada B/weyn oo ay kor ugala socdaan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Ethiopianka Hamse M Abdi Somalia. Wya2007@hotmail.com |