Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib dhowr cisho oo uu Madaxweynuhu booqasho ku joogay Magaalada Garoowe.

Markii Madaxweynaha ku soo laabtay Caasimada Soomaaliya waxaa dib u furmay wadada Maka Al-Mukarama iyo qeybo ka mid ah wadooyinka soo gala Air Porka Muqdisho, halkaasoo loo xiray imaanshaha Madaxweynaha.

Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali oo aroortii hore ee saaka ku kalahay wadooyinkaas ayaa xayiray dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka, waxaana Goobaha ganacsiga ay ahaayeen kuwo albaabada u laabnaa.

Soo laabashadiisa Muqdisho ee Madaxweynaha waxaa kula wehliyay Odayaal iyo Isimada Deegaanada Puntland, waxaana ka mid ah Islaan Ciise iyo xubno kale sida ay inoo sheegeen ilo ku dhow dhow Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa aqalka Madaxtooyada usoo galbiyay Gawaarida qafilan ee Ciidamada AMISOM, kuwaasoo ilaalo xoogan ka hayay Kolonyada Madaxweynaha siday, waxaana la sheegay in aanay dhicin weeraro lagu qaaday Garoonka oo lagu yaqiin Kooxaha Hubeysan in ay weeraraan marka Madaxda Dowladda ka soo dagayaan Air Porka

Horufadhi.com